Degmada Xamar Weyne oo Noqotay Horyaalka K/Cagta Degmooyinka Kuna Guulaysatay Koobka Degmooyinka Gobolka Banadir iyo Guddoomiye Muungaab oo Ka Qeyb Galay Finalka Tartankaas.

???????????????????????

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen ‘Muungaab”ayaa ka qeyb Galay Ciyaartii Finalka Koobkii Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa lasoo gabo gabeeyay tartankii Kubadda cagta Degmooyinka Gobolka Banadir Waxaana koobkii qaaday degmada Xamar Weyne oo ka badisay Degmada Waabari Finalkii Tartankaan.

Koobkaan oo ay ka qeyb galeen ilaa 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn waxaa finalka koobkan isugu soo haray Degmooyinka dariska ah ee Xamar Weyne iyo Waabari kuwaas oo wada ciyaaray Kulankii Finalka oo Dhacay galabta oo Jimco ah waxaana 2-0 ku badiyay Degmada Xamar Weyne oo Noqotay Horyaalka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciyaartaan Finalka koobka degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa Daawashadeeda ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo uu kamid ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Isboortia Cismaan Daallo,Madax Ka Tirsan maamulka Gobolka Banaadir,Guddoomiyayaasha 17-ka Degmo ee gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banadir Xasan Wiish iyo Madaxa Kubadda Cagta Maamulka Gobolka Banaadir Haaruun Cabdi Maxamed,Marti Sharaf kale iyo Dadweyne waxaana garoonka si aad ah u soo buux dhaafiyay Daawayaal jecel ciyaaraha.

Koobkan degmooyinka gobolka ayaa waxaa uu furmay 15-kii Bishan August 2014 iyadoo lasoo gabo gabeeyay galabta oo taariikhda ku aadaneyd 29-ka August 2014.

FIIRSO SAWIRO DHEERAAD AH.

??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>