Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo caawa Afur usameeyay Odayaasha shirka uga socdo Muqdisho
494 views
July 25, 2012
By siqi
Duqa Muqdisho oo caawa Afur ugu sameeyay Odayaasha dhaqanka ee shirka bari uga furmo doono Muqdihso Hotelka City Placa ee degmada c/casiis, waxaana Afur sharafkan kasoo qeyb galay ergada barito lagu wado in shirka uu uga furmo magaalada Muqdisho.
Kulaka oo ay kasoo qeyb galeen wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, ku xigaha duqa Muqdisho mudane iimaan Nuur iikar, Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir iyo Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir .
Waxaana ugu horeyntiiba Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kulanka khudbad dheer ka jeediyey tilmaamay in xiligan caasimadda dalka ee Muqdisho uu ka jiro isbedel lexaad leh, waxaana isbedelkaasina uu ku yimid nabadda ay Ciidammada Qalabka Sida dhaliyeen waxaana uu dhanka kale kula dardaarmay odayaasha iyo waxgaradkii kulanka kasoo qeybgalay iney kaalintooda buuxiyaan islamarkaana ay usoo xulaan umadda dad waxgal ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo isna dhankiisa kulanka khudbad ka jeediyey ayaa xasuusiyey odayaasha iyo waxgaradka in dhinac walba oo bulshada ah ay kaalin ku leeyihiin lana doonayo iney kasoo dhalaalaan hadeey ahaan laheyd amniga iyo arinta hada hortaala ee ay soo xulista mustaqbalka dalka.
Odayaal iyo Waxgarad iyaguna ka hadlay madasha ayaa ballan qaaday iney dhankooda sii wadi doonaan kaalinta kaga aadan mustaqbalka dalka waxaana uu guud ahaanba kulankii caawa kusoo idlaaday jawi wanaagsan.