Afhayeenka Gobolka Banaadir oo Nairobi ku booqday dhaawaca wariye C/qaadir Cumar Cabdulle
931 views
August 1, 2012
By siqi
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Isbitaalka Nairobi Hospital waxa uu ku booqday dhaawaca wariye C/qaadir Cumar Cabdulle oo halkaasi lagu dabiibayo.
wariye C/qaadir Cumar Cabduule ayaa horaanti usbuucii tagay waxa la keenay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana kasoo reyneysa xaaladdiisa caafimaad kadib markii uu helay gargaar caafimaad oo dhameystiran.
mudane Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa Isbitaalka Nairobi Hospital ku booqday wariye C/qaadir Cumar Cabduule oo xaaladiisa caafimaad ay aheyd mid kasoo reynaya dhaawicii horaanti bishii dhamaatay kooxo hubeysan ay ugu geeysteen xili uu ku sugnaa hoyigiisa magaalada Muqdisho.
“Waxaan ALLAH uga baryayaa in caafimaad taam ah uu siiyo wariye C/qaadir Cumar Cabdulle, waana ka xunahay dhaawaca soo gaaray horayna waan u cambaareynay hadana waan ku sii xoojineynaa cambaareynta falalka ka dhanka ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed” ayuu yiri mudane Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir.
Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa safar shaqo ku jooga dalka Kenya, isagoona dhanka kale cambaareyn kulul dusha uga tuuray falkii guracnaa ee shalay lagu dilay ALLAHA unaxariistee Cabdi Jeylaani Marshaale oo kooxo dhagar qabe yaal ah ku dileen degmada Waabari.