Blog entries   |  Duqa Muqdisho oo Hambalyo ku aaddan curashada bisha Ramadaan udiray umadda Islaamka ah gaar ahaan Soomaalida

Duqa Muqdisho oo Hambalyo ku aaddan curashada bisha Ramadaan udiray umadda Islaamka ah gaar ahaan Soomaalida

Dhammaan Shacabka Muslimiinta gaar ahaan shacabka  Soomaaliyeed waxaan halkaan uga dirayaa Hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil fadli gaar ah u leh muslimiinta oo ay gudanayaan waajibaad ka mid ah tiiraarka Islaamka.

Maanta oo ku beegan maalinti ugu horreysay ee Bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa waajib nagu ah inaan ku faraxno oo aan si kal iyo laab ah u soo dhoweyno bishan barakeysan ee Ramadaan waa bishii Quraanka Kariimka EEBE soo dejiyay.

Waxaana bishaan Ramadaan oo noo bilaabatay ay tahay bil aad u khayr badan iyadoo ajarka ku jira uu yahay mid aan la soo koobi karin qofkii Illaahay soo gaarsiiyo si wanaagsana u cibaadaysta wuxuu ALLE (SWT) agtiisa u yaala Ajar aad u badan.

Sida aan la wada soconaba Bisha Ramadaan waa bisha habeenka (Laylatul-qadrigu), waa bisha xoreynta, dad badan Naarta Alle ka xoreeyo, waa bil dambi dhaaf qofkii cibaadaysta, waa bisha la xiro Shayaadiinta iyo Albaabada naarta, ee la furo Albaabada Janada.

Hadaba  waxaa waajib nagu ah inaan ka faa’iideysano kheyrka badan ee ku jira bisha Ramadan, isla markaana aan ka fogaano dhammaan waxyaabaha uu EEBBE naga xaaraantinimeeyey .

Waxaana gaba gabadii duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu ugu baaqay iney Umadda Soomaaliyeed is cafiyaan dadka dan yarta ahna la kaalmeeyo madaama bishaan ay tahay bishii  khayrka la badsan jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>